Safiirka midowga yurub oo Booqaday Mashruuc Biyo Balaadhinta Caasimad Hargeysa iyo Maareeyaha Oo Warbixin Ka Siiyey Habsami U Socodka Mashruuca
Hargeysa(HWA) Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso safiirka midowga yurub Veronique Lorenzo ayaa, kormeer Ku Tagatay Habsami U socodka mashruuc Biyo Balaadhinta Caasimad Hargeysa oo kaasi oo ay maal galiyeen midowga Yurub
Waftigan oo uu horkacaayey maareeyahay wakaalada biyaha hargeysa, Maxamed Cali Axmed Daarod ayaa, waxaa ku wehelinaayey Saraakiil sare oo ka tirsan Hay,adda UNHABITIT iyo
Masuuliyiinta Shirkadaha Wad mashruuc biyo balaadhinta waftigan ayaa, soo indho indheeyey dhamaanba goobaha uu ka socod mashruucan
Maareeyahay Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Faah Faahin ka bixyey Socdaalka safiirka ayaa, sheegay inuu ahaa mid ay ugu kuur galayso sida uu u socod Mashruucu halka uu marayo wax qabsoomay iyo wax qabyahad ah Maadaamay yihiim Maal Galiyeyaasha Mashruucan