“Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay idiin ballanqaadaysaa, in mashruucani ku bixi doono hab caddaalad ah oo dhexdhexaad ah”
Hargeysa (Jam)- Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya, ayaa kulan la qaatay shirkadaha danaynaya inay ka qaybgalaan qandaaraska lagu bixinayo dhismaha dhuumaha iyo xarumaha biyo-ballaadhinta la doonayo in laga hirgeliyo degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo hadal ka jeediyey kulanka ay shalay la qaateen shirkadaha kala duwan ee danaynaya qandaraaskan, ayaa sheegay in barnaamijkan qayb ka yahay mashaariicda biyo-ballaadhinta Hargeysa.
“Ku-soo dhawaada, farxad weyn ayey ii tahay in aan idin ku soo dhaweeyo hoolka shirarka xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku leedahay caasimadda Somaliland, waqti fiican ayaad haysataan, mar haddii aad timaaddeen oo aad joogteen maalin iyo laba qaarkiin, waxaan idin tusi doonaa oo sharraxaad dheer tahay hirgelinta mashruucan biyo-ballaadhinta, gaar ahaan dhiggista beebka caasimadda gudaheeda oo ay maalgelinayso dawladda Jarmalka oo soo dhexmarin doonta dhaqaalaha Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW oo aan rajaynayo inuu sida ugu dhakhsaha ugu badan u bilaabmi doono,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Waanna mashruuc si weyn faa’iido ugu leh caasimadda Hargeysa oo dadka ku nool lagu qiyaaso 1.2 milyan qof, isla markaana oo si xawli ah u koraysa, una kobcaysa, taas oo baahida ugu weyni tahay mid soo jiitamaysay tan iyo marka laga soo bilaabo markii Somaliland mar kale dib ula soo laabtay xornimadeeda 1991-kii biyo yaraan baaxad leh, taas oo mushkiladda ugu weyn ee haysata shacabka ku nool Hargeysa, waxaananu xilligan dabboolnaa baahida boqolkiiba afartan (40%) tirada shacabka ku nool Hargeysa.
Haddaba, mashruuca aad u tartami doontaan, waa mid lagu xidhiidhinayo biyaha ka imanaya Geed-deeble ilaa Hargeysa oo 23km isku jira, waxaannu ka shaqeyn doonaa Hargeysa gudaheeda oo waa dhiggidda beebabka, sameynta berkadaha cusub iyo qodobo kale oo ku lammaan. Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay idiin ballanqaadaysaa, in mashruucani ku bixi doono hab caddaalad ah oo dhexdhexaad ah. Waxa ka go’an xukuumadda inay soo baxdo shirkad ku fiican mashruucan in aannu helno, in aannu helno shirkad sida ugu macquulsan uga shaqeyn karta tayadda iyo waqtiga, waannay noo siman yihiin dhammaan ka dawlad ahaan.”
Waxa kaloo uu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka hadlay ujeedada ay ugu talogaleen shirka ay la qaateen shirkadaha kala duwan, waxaannu yidhi; “Shirkani waxa uu ahaa mid aannu ugu talogalnay shirkadaha aannu rajaynayno ama aannu danaynayno qandaraaska biyo-gelinta magaalada gudaheeda ee dawladda Jarmalku maalgelinayso, iyada oo soo marinaysa lacagta iyo maamulkaba Baanka Horumarinta Jarmalka ee loo yaqaan KFW.
Shirkadahaasa si looga siin lahaa xog-siin shaqadda ay qabanayaan ama qandaraas ay u tartamayaan nooca uu yahay, iyada oo laba qeybood noqon doonta hawshu; qeyb xafiiska lagu siin doono xog-siin iyo bandhigid xogta ku saabsan shaqadda la qabanayo meelaha shaqaynayo iyo nooca ay tahay, kadibna la geyn doono dhulka beebabka cusub ay marayaan ee magaalada la dhigayaa iyo barkadaha cusub, si loo fahamsiiyo bal shaqooyinkan ay doonayaan inay u tartamaan shirkaduhu inay si buuxda u fahmaan.
Shirkan aannu saaka qabanay, kaas ayuu ahaa, waxa ka soo qeybgalay shirkado badan oo ka kala socda Yurub, Eeshiya, Afrika ay u badnaayeen, laakiin caalamka kalena ay ku jiraan, ayaa joogay meesha [xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa].
Mashruucani waa mashruuc aad u weyn ee mashaariicdii hore loo soo fuliyey dhammaantood ka wada weyn, waxa aannu rajaynaynaa qandaraas in aannu ku dhammayno muddo ilaa saddex bilood ah, shaqadduna kadib ay bilaabanto.”
Wariye siciid Xuseen Yuusuf
siciidm2090@gmail.com