Hargeysa(HWA) Waxaa Maanta oo ay Taariikdu tahay 12-12-2020 ka Furmay xarunta Wakaalada biyaha hargeysa Gaar ahaa Hoolka shirarka Kulan hawleed Balaadhan oo Loogu gogol Xaadhay Bilaabi Taan ka Shan Ceel oo Cusub Shirkan oo ay ka soo Qayib Galeen Maareeyaha
Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Axmed Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Md Maxamed Muuse Diiriye , Wasiir ku xigeen Amniga Naasir Caydiid,Wasiir ku Xigeen ka Xanaanada Xoolaha Yurub Cabdilaahi ,Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Cabdilaahi ,Gudoomiyaha Degmada Daarsalaam Ciise Muuse Engneerada Wakaalada
Ugu Horayn Eng Guuleed Xasan oo ka mid ah Egneerada Wakaalada ayaa halkaasi ka Soo Jeediyey Warbixin Dheer oo ka waramaysa habsami u Socodka Mashaariicda Biyo Balaadhinta
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Axmed oo shirkan ka hadalay ayaa iftiimiyey mihiimada Ceelashani u leeyihiin wakaalada biyaha iyo sida looga faaiidaysan doono waxuu sheegay in Ceelashan Lag Maal galin doono Sanduuqa SDF
Wasiirka wasaaradda Biyaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa balan qaaday inay Xukuumad ahaan Door muhiim ah ka qaadan doonaan waxii hawul kag aaden
Shiran ayaa ku soo gabogaboobay is Afgarad