Safiirka Midowga Yurub Ambassador Tiina Intelmann oo kormeer ku timid Biyo soosaarka Cusub
Waxaa shalay kormeer indho-indhayn ah oo ay ugu kuur-galaysay Mashruuca Adeega Biyaha Hargeysa ku timid Safiirka Midowga Yurub Ambassador Tiina Intelmann.
Mashruucan oo Maalgalintiisa ay iska kaashadeen Midowga Yurub, (EU)Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo Jamhuuriyada Somaliland kaas oo ay si wad jir ah u fulinayaan UN-Habitat Iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa
Safiirku waxay kormeerkeeda kusoo aragtay Mashruuca Adeega Biyaha Hargeysa, qaybihiisa kala duwan ee Dhamaaday oo dhawaan la tijaabiyey.oo si habsami leh u socda waxaa kale oo ka mid hawlaha ay safiirku soo aragtay Saddex Ceel oo ay Wakaaladdu hirgalindoonto
Safiirku waxay kormeerkeeda ka bilowday xarunta cusub ee biyo soo saarka geeddeeble
Safiisku wax kale ee ay soo aragtay kaabayaasha biyaha ee cusub sida xarunta biyo soo saarka cusub iyo dhuumaha isku xidha Geedeeble iyo Hargeysa oo si habsami ah u shaqaynaayey xiliga ay safiirku timid
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Axmed Darod, oo soo dhaweeyey Safiirka wuxuu uga mahad celiyey kormeerkeedan ay ku timid, waxaanu warbixin ka siiyey shaqooyinka socda iyo kuwa dhamaaday,