Ma helaan biyo qaar ka mid ah dadka la jaarka ah Kaydka Biyaha Hargeysa! Maxaa loogu tallo-galay?
Jawaabtu waxa ay tahay…
Magaalada Hargeysa oo ah goob dhulkeedu kala sarsareeyo ama buuralay ah ayaa saamayn ku leh sida qaybaha kala duwan ee magaaladu u helaan biyaha, iyadoo laga duulayo qaabka juqraafiga magaaladu u yaal, waxa lagu saleeyay ama lagu xaliyay iyadoo degmo kasta oo magaalada ah mid ka mid goobaha ugu sareeya degmada in laga hirgaliyay Berkad lagu qaybiyo biyaha degmadaa.
Qorshaha dadka la jaarka Kaydka Bihaya…
Iyada oo xaafadaha la jaarka ah badi Kaydka wayn ay dhul ahaan ka sareeyaan ama la simanyihiin Kaydka Biyaha, gaar ahaan qaybaha ka sareeyaana ay adagtahay helitaanka biyihu, waxa qorshe ahaan loogu tallo-galay taangi dhismihiisu socdo oo sare loo taagay 15M.
Taangigan ayaa dhismihiisu qayb ka yahay Wajiga labaad ee Mashruuca Biyaha Hargeysa ee hadda hawshiisa gacanta lagu hayo. Waxa uu qorshuhu yahay in la dhamaystiro qaybaha hore ee sannadka 2024.
Su’aasha aan tafaasiishan ka bixiyay waxa isoo waydiiyay qaar ka mid ah dadwaynaha ree Hargeysa iyagoo faalo ka bixiyay warbixino shaqo oon boggan aanu bulshada kula wadaagnay.
Way ku mahadsanyihiin, Waxa aananu mar kasta soo dhawaynanaa ra’yigiina iyo tallooyinkiina, waayo bulshada ayaanu u shaqaynaa oo na dirsatay.
Allah ha inoo dhamaystiro qabyooyinka badan ee inoo yaal.
FG: Sawirka Taangiga iyo berkedda waynba waa kuwan= qoraalkan la socda.
Mohamed Ali Darod, WBH.
5