FAAHFAAHIN KOOBAN
Wakaaladda Biyaha Hargeysa (WBH), si ay u dardar galiso adeegyada ay bixiso una horumariso adeega qalabka isgaadhsiinta ee WBH, waxay qaadantoonta shaqaale ah Kaaliyaha ICT.
MAS’UULIYADAHA LOOGA BAAHAN YAHAY.
- Ku shubidda, rakibidda iyo dayactirka dhammaan qalabka ICT-ga ee WBH.
- Isku xidhka qalabka LAN/WAN iyo nidaamyada shaqo (Operating Systems, TCP/IP, Ethernet, VPN, Firewall, DNS, DHCP, iwm.); Ilaalinta, cilad-baadhista qalabka ICT-ga.
- Leeyahay/Leedahay khibrad iyo aqoon OpenERP/Odoo software-ka waa muhiim.
- Leeyahay/Leedahay khibrad iyo aqoon xog kaydiyaha MySQL ama PostgreSQL waa muhiim.
- Aqoon fiican u leeyahay/leedahay isticmaalka iyo dayactirka mareegaha (Website) iyo ageega WordPress/cPanel-ka.
- Diyaarinta warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan agabka ICT-ga iyo warbixin hawleed bille ah.
- Bixinta tababar/kaalmo shaqaalaha WBH, ee isticmaalka qalabka ICT-ga.
- Samaynta wixii kale ee waajibaad/masuuliyado kale sida loogu baahdo.
SHURUUDAHA LAGA RABO
- Shahaado jamacadeed oo ICT ama Computer Science ah.
- Ugu yaraan khibrad 2 sanno oo IT-ah
- Dabeecad wanaagsan iyo dad la dhaqan fiican.
- Khaadhka dhalashada Somaliland.
SIDA LOO SOO CODSANAYO:
Fadlan keen xafiiska Shaqaalaha ee WBH ama ku soo dir iimaylkan: jobs@hargeisawateragency.com
- Codsi Shaqo (CV)
- Nuqul Shahaadada iyo Shaxda Darajada (Transcript) ee Jaamacada
- Wixi dhukumanti muhiim ah ee shaqada taageeraya
- Nuqul Kaadhka Dhalashada Somaliland
Ugu danbayn 25 – 11 – 2023, 12:00 Duhurnimo.