Wakaaladda Biyaha Hargaysi waxay hirgalisay Xafiiska GIS-ka sannadkii hore ee 2022, xafiiskan oo qaabilsan kaydinta iyo ilaalinta xogta kaabayaasha biyaha, waxa la siiyey shaqaalaha GIS-ka tababar heer sare ah oo ay bixineen khubaro ku takhasustay GIS-ka, waxaana loo dhamaystiray dhamaan qalabkii ay u baahnaayeen . Shaqooyinka uu qabto xafiiska cusubi waxaa ka mid ah:
- Ururinta iyo Maaraynta Xogta Dhuumaha Biyaha ee kala duwan, Hubinta saxnaanta tayada dhuumaha biyaha iyo diiwaangelinta goobaha macaamiisha Wakaaladda Biyaha (Customer Locations) iyadoo la dhameeyay boqolkiiba afartan (40%)
- Maabaynta qalabka biyaha ee kala duwan, samaynta khariiradaha goobaha biya leh ee caasimadda iyo taageerida mashaariicda biyo balaadhinta. Waxa la ururiyay xogta GIS-ka ee goobaha Biyo-Soo -Saarka sida Ceelasha , Dhuumaha biyaha ee Geed Deeble ilaa Hargeysa iyo Xarunta Biyo Soo-Saarka Geed Deeble ( Geed Deeble Pumping Station)
- Isku-xidhka xogta GIS-ka iyo nidaamyada kale ee Wakaaladda, lashaqaynta waaxyaha kala duwan ee Wakaaladda Biyaha.
- Samaynta dukumentiyada iyo habraacyada GIS-ka ee Wakaaladda iyo daabacaada maababka guud ee Wakaaladda Biyaha.
Ujeeddada Wakaaladdu u aasaastay Xafiiska GIS-ka waa in guud ahaan Xogta Biyaha Hargeysa loo kaydiyo si casriya, arintan oo ka dhigaysa nidaamyada Tiknoolajiyadda casriga ee Wakaaladdu kuwo is-ku-wada xidhan ama wada-shaqaynaya, si loo fududeeyo Adeeg bixinta Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa.
Waxa hirgalinta xafiiskan maalgalinteeda leh Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Waxaana tababarada shaqaalaha iyo dhismaha aqoontooda hor-kacaysa Khabiir Emily Barigye Atusasire oo ka socota Hay’adda Biyaha ee Dalka Uganda ee lagu magacaabo National Water and Sewerage Corporation (NWSC)