Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ay mahad naqaysaa aqoonyahanka reer Somaliland ee deggan Uganda oo kulan soo dhawayn ah u sameeyay waftiga Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo hawlo shaqo maalmahan u jooga Dalka Uganda, iyada qayb ka ah iskaashi shaqo oo muddo laba sanno ah u dhexeeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Hay’adda Biyaha iyo Fayo-dhawrka (NWSC) ee Dalka Uganda.