Waxaa maanta Xarunta cusub ee biyo -soo-saarka booqasho ku tagay Madaxa Mashaariicda ee Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo Sooraanka ee Dawladda Ingiriiska “Foreign and Commonwealth Development Office , FCDO “ ee fadhigiisu yahay Nairobi iyo ku -xigeenka Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, isla markaana ah Madaxa Horumarinta Dhaqaalaha , Christina Toepell. Masuuliyiinta Dawladda UK ka socday , waxaa warbixin laga siiyay doorka maalgelinta Ingiriisku iyo Wadamada kale ee taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ku leeyihiin horumarinta Kaabayaasha Biyaha ee Geed Deeble, Horahadley iyo Lasdhure. Sidoo kale , masuuliyiintan waxay booqasho ku tageen Dhaamka Weyn ee Kalqoray, iyagoo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ku amaanay dedaalka weyn ay ugu jirto inay dhamaan shacabka Hargeysa la gaadhsiiyo biyo nadiif ah oo jaban. Axmed Muuse Daahir, Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta WBH.