Waxa aanu ku qaabilnay Xarumaha Wakaaladda ee Geeddeeble Wafti ka kooban; Ambassador Steen Andersen, Safiirka Dawladda Denmark , Ketil Karlsen Agaasimaha Qaaradda Africa ee Hay’adda iskaashiga Horumarinta Dawladda Denmark ee Loo yaqaan DANIDA iyo Anthony Njue, Madaxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Dawladda Denmark iyo Dawladdaha kale ee taageera SDF waxa ay qayb wayn ka yihiin guulaha waawayn ee ay Wakaaladda Biyihu ka gaadhay horumarinta kaabayaasha iyo fidinta adeega Biyaha Hargeysa.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo Dawladdaha taageera ee ay ku jiraan Denmarka iyo Boqortooyada UK iyo Midawga Yurub (EU) waxa ay gacan maalgalineed oo wayn ku wada lahaayeen Mashruuca Biyaha Hargeysa wajigiisii koowaad ee la furay October, 2022.
Halka Wasaaradda Iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ) ee Dwaladda Germany oo
Uu wakiil ka yahay Bangiga KFW ay maalgalinayso Wajiga labaad ee mashruuca Biyaha Hargeysa oo isna ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo haataan dhamaad ku dhaw.
Mashaariicdan dhamaantood waxa iyana gacan maalgalineed ku leh Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Xukuumadda JSL.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ka go’an xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dhinacyada ka taageera horumarinta Biyaha Hargeysa si mar walba ay ugu dadaasho helitaanka maalgalino joogta ah.