Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa oo siweyn U Iftiimiyey Baahida ay U Qabeen Riiga iyo Doorka uu ka Qaadan Karo Horumarka Ay Wakaaladu ku Talaabsatay WBH
“ Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa Mudane Maxamed Cali Axmed (Daarood oo munaasibadaasi ka Hadalay ayaa ka waramay Baahida weyn Ee Ay Wakaaladu u qabtay inay hesho Riig iyo Doorka muhiimka ah Ee uu ka qaadan karo Horumarka ay Wakaaladu ku talaabsatay isaga arimahaasi ka hadalaayan waxuu yidhi
“ Waxaynu maanta u Fadhinaa inaynu Markhaati ka noqo wax Qabad kale oo weyn oo u soo kordhay Magaaladeena Hargeysa waxaanu Madaxweynuhu Xadhiga ka jaridoonaa Riigii koowaad Ee ay Yeelto Wakaaladda biyaha Hargeysa Riigaasi oo qodi kar 600mr Ceel Dhererkiisu yahay
Hadab Maxaa Keenay inay Wakaalada biyaha Hargeysi raadsato ama inay yeelato riig ‘wakaaladda biyaha hargeysa Caqabadaha hayistay Markaad eegto xag ceelasha labaa ugu waaweynaa 1- Midi Waxay ahayd Maamulka Ceelasha jira ,Ceelku Marka uu Xumaado Qalab ayaa ku jira biyaha ka soo saaraha oo layidhaa bom iyo daynabo hadii uu mid ka mid ahi Xumaado waxaa la raadin jiray Wiisha kaasi oo ay ku bixjirtay Dhaqaalo badan taasi oo waqti badan qaadan jirtay taasi caqabad ayey ahayid
Ilaahay ayaa mahad leh Caqabadaasi maanta waanu xalinay oo Qalabkii faraha badnaa ee aanu abuurtay intii Xukuumadani jirtay waxaananu u samaynay lab wish oo mid yahay mid weyn 14 tan ah oo dawladu Gacanta ku hayso iyo mid sadex tan ah oo aanu gacanta ku hayno
Maanta hadii Ceel inaga Xumaado Saacado ayey Qaadataa dayactirkiisu waynu xalinay
Caqabaha Labaad ee haysatay waxay ahayd xaga maamulka ceelasha taasi oo ah inaan xog lag haynin Ceelka gudihiisa iyo xaaladiisa taasina waxaanu ku xalainay nidaam casri ah oo lagula socon karo xaalada ceelka qalab kaasi oo ku jira gudaha ceelka isle markaana lagal socon karo saacad kasta inta uu biyo soo saari karo
Caqabada sadexaad ee ina haysatay waxay ahayd inay yaraa yeen khubarada aqoonta durugsan uleh biyaha
Maanta waxaa ka hawul gal wakaalada biyaha hargeysa Hablo iyo inamo dhaliin yaro ah oo aqoontoodu sarayso oo biyaha aqoon u leh gaar ahaa culuumta biyaha kuwaasi oo helay tababaro dheeraad ah iyo khibarad balaadhan
4 Caqabada afraad ee haysatay guud ahaa Somaliland waa inaynaan xalin Karin marka qalabka biyaha soo saara ee ay ka mid yihii bomka iyo daynabadu
Inaga xumaadaan waxay inagu taagan yihiin 5000 dollar waxaana dhaca in la tuuro
Maanta waxaanu gacanta ku haynaa anaga oo kaashanayna hay,adda biyaha iyo Fayo Dhawurka Uganda in bom kii iyo daynabadii aan la tuuri ee la dayac tiro )
Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa waxaa kale oo uu faah faahiyey shaqada uu qaban doono riiga cusubi waxaanu yidhi
“Maanta ilaahay ayaa mahad leh waxaynu Maraynaa inaynu hayno Qalabkii iyo aqoontii ceel in la qodi karo oo la maamuli karo waxaana maanta inagu soo biiray hargeysa oo ah magaaladii caasimada kobaceeduna sareeyo inay hesho riig 600Mr ama qodi kara ceel Dhererkiisu yahay 600mr Dhiiraa iyo Injiinka waxaa ku baxaday lacag dhan 500.000dollar (Shan boqol oo ku oo dollar )riigaasi talaabada koowa ee uu Qabanayaa waxay tahay inuu ka dhamaystirka wajiga labaad ee biyo fidinta caasimada hargeysa”
Ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada biyaha hargeysa