hawlwadeenada Wakaaladda Biyaha ee Hargeisa ayaa Safar shaqo oo muhiim ah oo khibrad-wadaag ah ugu baxay Magaalada Kampala, gaar ahaan Xarunta Hay’adda Biyaha iyo Fayo Dhawrka Qaranka ee Dalka Uganda.
Socdaalka shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee ka socda Somaliland oo maalmo qaadan doona, ayaa ku saabsan tababarro heer sare ah oo ay ku qaadan doonaan Nidaamka Kaabayaasha Biyaha ee Kampala iyo nidaamyada Maareynta Biyaha ee Casriga ah ee dalka Uganda iyo khibradaha Farsamo ee ku duugan.
Tababarkan Muhiimka ah kadib ayaa la filayaa in saraakiishani khibradda ku celiyaan hannaanka Wakaaladda Biyaha ee Hargeisa, oo hadda samaysay Koboc hawleed iyo Mid Farsamo ee baaxad leh.