Khubaro ka kooban 3 xubnood oo ka socday Haay’adda Biyaha iyo Fayodhawrka (NWSC) ee Dalka Yugaandha iyo Mas’uuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay ay dib-u-eegis ku sameeyeen mashaariicdii hirgashay sannadkii hore (2024) iyo habsami u socodka mashaariicda sanadkan cusub (2025) oo ay iska kaashanayaan maalgalintooda Midawga Yurub (EU GWOP) iyo Wakaaladda Biyha Hargeysa, kulamadan oo socday Todobaad (16 – 22/01/2025) waxaa ka hir galay qodobadan:
• Dajinta Qorshe Sannadeedka 2025 Qaybaha kala duwan ee Mashruuca EU WOP.
• Waxaa la qabtay dood-wadaagyo iyo qiimeyn degdeg ah, si loo xaqiijiyo badqabka kaabayaasha Biyaha iyo Fayodhawrkooda.
• Waxa la hirgaliyey tababarka adeegsiga Qalabka Dabagalka iyo Qiimeynta (M&E tools) hawlaha kala duwan ee shaqooyinka Wakaaladda.
• Waxaa la dhammeystiray Warbixinta Lix Biloodka sanadkii tagay ee 2024 ee horumarka iyo koboca mashruuca GWOPA.
• Waxaa la sameeyay, bartilmaameedyo (KPIs), iyo habab dabagal joogto ah.
• Waxa la hirgaliyey casriyeynta Nidaamka Ururinta Xogta Shaqada iyo Shaqaalaha (HRM System) ee WBH.
Halkan ka daawo muuqaalka oo faahfahsan