
𝐓𝐈𝐗: 𝐖𝐒𝐇/𝟔𝟏𝟗/𝟎𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟓 𝐓𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡: 𝟏𝟎/𝟎𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟓
𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐨: 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐦𝐭𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ay ugu horayn u hamnbalyeynaysaa dhamaan
tartamayaasha usoo gudbay wajiga labaad ee lagu kala saarayo tartamayaasha.
Guud ahaan waxa imtixaanka u fadhiistay 𝟏𝟐𝟑 tartame oo u kala tartamaayey
boosaska akhri qore/Saacad qore iyo Farsmoyaqaan/tuubiiste:
✓ 𝟗𝟎 tartame waxa ay u fadhiisteen booska akhrisqore/saacad qore
✓ 𝟑𝟑 Tartame waxa ay u fadhiisteen booska farsamoyaqaan/tuubiiste
✓ 𝟏𝟏 tartame ayaan ka soo xaadirin goobtii imtaxaanka lagu gelaayey
Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan tartamayaasha usoo gudbay wajiga labaad ee
kaalmaha shaqo akhris qore iyo farasmo yaqaan ee magacyadoodu ku lifaaqanyihiin
halkan in Maalinta Arbacada ee Taariikhdu tahay 𝟏𝟐/𝟎𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟓, ay gelidoonaan
wajiga labaad ee kala saarista tartamayaasha.
➢ akhrisqorayaasha/saacad qore waxa ay gelayaan (Interview) gelinka danbe
maalinta Arbacada saacadu marka ay tahay 𝟒:𝟑𝟎 𝐏𝐦 Goobtu waa hoolka
shirarka xarunta Guud ee WBH.
➢ Tartamayaasha usoo baxay tartanka booska Farsamoyaqaanka/tuubiiste waxa
ay gelayaan maalinta Arbacada gelinka hore Taariikhdu tahay 𝟏𝟐/𝟎𝟐/𝟐𝟎𝟐𝟓
Imtixaankooda Labaad ee Practical-ka abaaro 𝟖:𝟎𝟎𝐀𝐌.
Insha allah.

