Dhamaystirka Mashruuca Biyo-Balaadhinta Hargeysa

Date: 01/03/2025
Ujeeddo: War Saxaafadeed
Waxa ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Bangiga Horumarinta KFW ee Dawladda Germany kala saxeexdeen Bishii Febraury,2025 dhamaystirka Mashruuca Biyo-galinta Hargeysa gudaheeda oo bishii January,2025, Wakaaladda iyo dhinacyada Dawladda Germany ee mashruuca kala shaqeeyaa ay si wada jir ah u tirtireen heshiiskii shirkadda haysatay qandaraaska dhamaystirka shaqada inta ka hadhsan ka dib gaabis shaqo, iyo sannadkii lagula heshiiyay oo sannad kale loogu daray.
Mashruucan oo qorshihiisu ahaa in shirkaddaasi ku dhamaystirto Janaury,2023 ilaa Janaury,2024 ayaa loo kordhiyay sannad kale ilaa January,2025, tan oo aakhirkii sababtay in shirkaddaa shaqada laga saaro.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Bangiga Horumarinta Jarmalka ayaa la isla gartay in qorshaha ugu macquulsan xaga dhaqaalaha iyo waqtigaba ay tahay in mashruucan ay si wada jir ah u dhamaystiraan Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo dhismaha fulin doonta iyo Shirkadda Germany laga leeyahay ee CES oo iyadna xaga Tayada ilaalin doonta, iyadoo shaqada la bilaabayo March,2025 lana filayo in la dhameeyo ka hor October,2025.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo hadda dhamaystirtay Biyo-xidheenka dalka u wayn ee Kalqoray, horana ugu guulaysatay dhamaystirka wajiga koowaad ee mashruuca Biyaha Hargeysa ayaa gacanta ku haysa qalab iyo xirafadlayaal aqoontoodu sarayso oo loo diyaariyay mashaariicda caynkan ah.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa mar walba ka go’an xoojinta iskaashiga ay la leedahay deeq bixiyayaasha ka taageera horumarinta adeega biyaha Hargeysa si loo xoojiyo maalgalinaha ay u raadinayso kaabayaasha Biyaha Hargeysa taana waxa sal u ah ilaalinta iyo ku dhaqanka heshiisyada lagu ilaalinayo maalgalinaha laga helo dibedda.
Waxa aanu Madaxweyanaha Qaranka Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga mahad-naqaynaa waqtiga balaadhan ee uu siiyay u kuur galidda iyo ogaanshaha xogta guulaha hore looga gaadhay Biyaha Hargeysa, mashaariicda waawayn ee Xukuumaddiisu la wareegtay dhamaystirkooda sida Biyo-xidheenka Kalqoray iyo wajiga labaad ee Biyaha Hargeysa iyo mashaariicda kale ee socota iyo maalgalinta balaadhan ee 18 Million Euro ee Dawladda Germany dhawaan ugu yaboohday Biyaha Hargeysa.
Allaa Mahadleh.
Maxamed Cali Daarood,
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa